Beelaha Banaadiriga oo cabasha dibad-bax ku diidey soo noqoshada Xildhibaanadii Hore

0
283

Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed ayaa Muqdisho ka dhigay banaanabax ballaaran oo ay kaga cabanayeen in ay mar kale dib ugu soo noqdaan qaar ka mid ah Xildhibaanadii hore ee beelaha banaadirga , iyo dhinaca awood qeybsiga talada dalka oo ay shegeen in ay dhalliilsan yihiin qaabka loo xulay odayaasha dhaqanka beelaha banaadirigana ay ka maqan yihiin kuwo aanay beesha doorana ay ku jiraan shirka ka socda muqdisho ayey yiraahdeen masuuliyinta ka hadashay banaanbaxaasi.

Banaan-baxaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay Waxgarad ka tirsan beelaha banaadiriga oo isugu jira Culimaa’uddiin, Odyaasha Dhaqanka,Siyaasiyiin, Dhallinyaro iyo Haweenka ku abtirsada Beelaha Banaadiriga Soomaaliyeed,iyadoo uu banaan-baxaasi ka hadlay Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada Beelaha Banaadiriga Md.Cumar Shariif Jeeg oo yiri”Beelaha Banaadiriga waxaay ka cabanayaan Musuq-maasuq lagu sameeyey kuraastii Baarlamaanka Cusub, waxaana Dadka Reer Banaadiriga ay yihiin kuwo dulman oo aan xor u aheyn inay aayahooda ka tashadaan, markastaana la duudsiyo xuquuqdooda ilaa iyo dowladdii Carta waxaa jira dad Xildhibaano noo ahaa oo aan Beelaha Banaadirigadirsan,waxaana nalagu duudsinayey xuquuqdeyna muddo fog ilaa haatan way ina taba taagan yihiin kuwii na boobayey” ayuu yiri Cumar Shariif.

Dhinaca kale intaa raaciyey “anaga manaloo madaxbaneeyo inaan codkeyna ku hadalno, waxaa nalagu heystaa xoog,waxaana jira in xildhibaano ay noqdaan kuwa beelaha hubeysan ee waaweyn Qaar ay Abtiyaal u yihiin oo Beesha aanay geysan in ay na hor boodaan mar kasta taasina ma oggolaaneyno inay xuquuqdeyna dhacaan markasta, waxaana Beesha Caalamka u dirnay dhowr Cabasho in ay arrintaa wax ka qabtaan waliba inay xuquuqdeyna noo soo dhiciyaan waxaana leeyahay Beesha Caalamka wey na Quursatay haddii dadkaas mar kale laga soo dhigo Xildhibaano waxaan eedda saareynaa Beesha Caalamka marka ha ogaato beesha caalmka in aan dulman nahay haddaanu nahay beelaha banaadirga” ayuu mar kale yiri Caumar Shariif Jeeg.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Midowga Dhallinyarada Beelaha Banaadiriga ayaa ka dhawaajiyey haddii dowlad aan talo ku lahyen haddaanu nahay dadka reer banaadir la soo dhiso in aanan aqoonsan doonin waxaan soo jeedinayaa in cadaaladda lagu saleeyo xubno qeybsiga iyo beelaha soomaaliyeedna laga qeyb geliyo haddanu nahay dadka reer banaadir waan dulmanahay mana qaadaneyno dulan intaa ka badan carte ilaa hadda waxaan u soo jeednaa inaan xaqeena la duudsin mar danbe,walaalayaal waa maalin ramadaan qofkastaa xuquuqdiisa waa in la siiyaa dad islaam ah baanu nahay dad Soomaaliyeed baanu nahay walaalayaal xaqeena yaan la iibasan, yaan la dhicin, yaan nala duusin baan leeyahay, waxaan odyaashii xuquuqdeyna noo soo dhicin lahaa yihiin kuwa banaan joog ah oo aan lagu darin kulanka odayaasha dhaqanka soomaaliyeed waxaan maqleynaa in xuquuqdeyna la iibsanayo waxaa ogaataan in reer banaadir oo aan dagaal lagu aqoon inuu ka dagaalami doono hadduu waayo xuquuqdiisa,haddii xildhibaanada hore la soo nqona aanan la shaqeyn doonin Dowladda cusub ayuu yiri Cumar Shariif.

Dhinaca kale in Dibad baxaa ayaa waxaa ka soo qeyb galeen Haweenka Reer Banaadirga oo Xiran Dareyska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, waxaan ay wateen Qoryaha AK-47 waxaana ka hadashay Bnanaanbaxaasi Fraxiyo Mahdi Nuurow oo sheegtay in ay tahay gabar u dhalatay beelaha banaadiriga ayan maanta qaadatay qoray waxaayn sheegtay in sababta aan u qaatay ay tahay in aan xaqeena ku soo dhacano waayoo markastaa ma nihin kuwo la siiyo xaquuqdooda waxaan maanta u taaganahay in aan dagaal haddii uu nala galo xitaa aan u dagaalano xuquuqdeyna” weligeey banaanka uma soo bixin maanta waxaa i soo bixiyey ciilka beesheena lagu haayo maanta ka bacdina banaanka ayaan u taaganahay sidii aan xqeyna ku soo dhicin lahaa ayey tiriFarxiyo.

Ma aha cabashada beelaha banaadirga soomaaliyeed mid ku cusub dhagaha dadweyaha soomaaliyeed hase yeeshee waxaa cajiib ah in ay beelaha banaadirga dagaal in ay wax ku raadiyaan ku dhawaaqaan waliban ay gabar reer banaadiri ah tuute soo gashato tiraahdana xaq baa iga maqan baan donayaan in aan qori ku soo dhacsho!!!!.

Mid ka mid ah dadkii mudaaharaadaayey ayaa yiri: Kuma koobna cabashada beesha banaadiriga oo kaliya waxaa nala qabo beelo badan oo iyagana bayaan guddiga farsamada ee dib u eegista Barlaamaanka u gudbiyey iyagoo ka cabanaaya qaar ka mid ah odey dhaqameedyada ku sifoobey musuqmaasuqa jecelna iney somalia weligeed 4.5 iyo fowdo ka baxin si  Somalia, islamarkaasna aan la helin nidaam dimoqraadiyad ku dhisan oo dadku ay iskood u soo doortaan shaqsiga ay rabaan.  Waana tan keentey in dhaqankii Soomaaliyeed uu marey wadadii warlords,  waxayna cagta saareen wadadii  hogaamiye kooxeedkii somalia balse haddii aysan la imaan in ummadda ay dhaqanka u yihiin in si cadaalad ku jirto aysan wax ugu qeybin kama waantoobin caadaada xumida Somalia 21 sano gaarsiiyey burbur iyo in dibada looga taliyo in ay fashil ku dambeen doonaan sidii hogaamiye kooxeedyadii oo kale, sidaasna waxaa yiri in ka mid ah dibadbaxayaasha oo goobtaas kula hadlaayey saxaafada.

Idale News Online “INO” Muqdisho.