Beel Ka Mid Ah Ogaadeen Oo War Kasoo Saartay Sida Loo Qeybsaday Xildhibaanada Jubba

0
207

Kismaayo(INO)-Beesha Cawliyahan oo ka mid ah beel weynta Ogaadeen ayaa ka hadashay qaabka cusub ee loo qeybsaday xildhibaanada baarlamaanka maamulka KMG ee Jubba, taasi oo ay ku sheegeen in xaq darro ay tahay.

Waxgarad ka mid ah beesha ayaa kulan deg deg yeeshay, waxaana ay sheegeen in saamigii ballaarnaa ay ku lahaayeen degmooyinka gobalada Jubooyinka la weeciyay, islamarkaana beelo kale oo aan shaqo ku lahayn la siiyay xaqooda.

Tusaale waxa ay usoo qaateen Degmada Bu’aale ee gobalka Jubada Dhexe iyo deegaano kale oo Jubada Hoose ka mid ah, iyaga oo tilmaamay in beelaha sida loogu kala qeybiyay aan laga fiirsan.

Waxa ay ku baaqeen in maamulka Jubba uu arintaan deg deg kusoo fara geliyo, islamarkaana Isbedal muuqda uu keeno.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here