Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta fadhi xasaasi ah ka yeeshay qodobo ku xusnaa Dastuurka, kaasoo qeexayay in Madaxweynuhu kala diri karo hadii ay ansixin waayaan Xukuumada Soomaaliya oo wali magacaabisteeda guux weyn ka jiro.
Kulanka Baarlamaanka ayaa ajandaha la soo hordhigay talo soo jeedin gudiga farsamada oo ahaa qodobo dhowr ah oo dastuurka khilaafsan, kaasoo ah qodobka 67aad oo Madaxweynaha awood u siinaya inuu kala diro Xildhibaanada Baarlamaanka hadii ay ansixin waayaan Xukuumada.
Akhri qodobka la laaley ”
Qodobka 67aad. Kala-dirista Golaha Shacabka
Lama kala diri karo Golaha Shacabka ka hor dhammaadka muddadiisa afarta sano ah marka laga reebo haddii uu Goluhu awoodi waayo in uu ansixiyo golaha wasiirrada iyo barnaamijka Dawlada sida ku xusan qodobka 100aad (c) ee dastuurkan.”
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa qodobkan u cuskaday in aanu sharci aheyn, isla markaana Madaxweynuhu awood u laheyn inuu kala diro, waana arrin miisaankeeda leh, culeys badan ku keenaya magacaabista shakiga ku jira ee Golaha Wasiirada tiradooda yar tahay.
Sidoo kale Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa laalay qodoka 135aad ee qeexaya xuduudaha dalalka deriska, iyadoo qodobkan lagu tilmaamay in aanu sharci aheyn, ilaa gudi looga soo magacaabayo arrimaha xuduudaha Soomaaliya la wadaago dalalka deriska ah.
Qodobka ay laaleen Mudanayaasha Baarlamaanka ee 67aad ee dastuurka ayaa waxaa uu culeys ku noqonaya magacaabista soo daahday ee Golaha Wasiirada, waxaana uu fariin u dirayaa Ra’iisul Wasaare Saacid oo laga sugayo inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gambar gaaban ugu fadhiya Xukuumada la soo dhisayo oo la horkeeni doono Baarlamaanka, waxaana shaki la gelinayaa suurta galnimada in Baarlamaanka ansixiyo hadii wax laga bedeli waayo wararka haatan la isla dhex marayo oo ah in Golaha Wasiirada laga dhigayo 10-wasiir kaliya.
Idale News Muqdisho.