Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saaka lagu wadaa inay yeeshaan kulan codka kalsoonida ay ugu qaadayaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Maxamed oo 12-kii bishan uu soo magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Kulankan oo ahaa mid uu horay u iclaamiyay Gudoonka Baarlamaanka, kadib markii uu baaqday kulankii Arbacadii hore ee kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha sababo farsamo awgood ayaa kulanka maanta uu noqonayaa mid codka kalsoonida loogu qaadi doono Ra’iisul wasaaraha cusub.
Xildhibaan Maxamed Cumar oo ka mid ah Xogheynada Baarlamaanka ayaa sheegay in shirka maanta ee Baarlamaanka ajandihiisa uu yahay kalsooni siinya Ra’iisul Wasaaraha, isla markaana uu kulanka bilaaban doonoa sagaalka subaxnimo xilliga Muqdisho.
“Hadii kooramka la helo shirka waa furmi doonaa, kadibna waxaa la guda geli doonaa codka kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha, Golaha shacabka waxay kalsooni ku siin karaa Ra’iisul Wasaaraha cod gacan taag ah iyo aqlabiyad hal dheeri ah”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in maanta ay soo gaba gaboobi dooto kalsooi siinta Ra’iisul Wasaaraha, isagoo xusay in marxalada ku xigta ay tahay inuu Ra’iisul Wasaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo dhiso Gole Wasiiro sida uu yiri.
Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in 31-ka bishan 10-maalmood kadib lagu wado inuu Baarlamaanka horkeeno Golihiisa Wasiirada, hadii aanay dib u dhac kale imaan sida uu hadalka u dhigay.
Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha ay tahay wax fudud dahay kalsooni siinta Ra’iisul Wasaaraha, hase ahaatee marka ay timaado kalsoonida Golaha wasiirada ay noqon doonto mid adkaan doonto, marka mudanayaasha baarlamaanka ay danahooda iska waayaan Wasiirada la soo magacaabayo
Idale News ONline