Idalenews:Xaalada deegaanka Bariire oo shalay ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo AMISOM ayaa saaka degan, iyadoo markii u horeysay ay xalay ku hoydeen deegaanka, kaddib dhowr jeer oo horay ay u qabsadeen dib uga soo baxay.
Dadkii ku dhaqnaa deegaanka ayaa isaga barakacay, iyagoo ka baqayay dagaalo mar kale ka dhaca, waxaana xalay la maqlayay rasaas culus iyo madaafiic dhinacyadii shalay dagaalamay is weydaarsadeen.
Ciidamada huwanta ayaa qorsheynaya inay u gudbaan deegaanada kale ee Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana socda duulaan ku wajahan degmada Awdheegle.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in xaalada deegaanadii shalay lagu dagaalamay ay degan yihiin ciidamada ay si buuxda gacanta ugu hayaan.
Waxaa uu sheegay in ciidamada ay kaabiga u saaran yihiin degmada Awdheegle, isla markaana qorshuhu yahay in dhamaan deegaanada gobolka kaga sugan yihiin Al-Shabaab ka saaraan sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada xoogga dalka, kuwa AMISOM iyo ciidamo aan badneyn oo Mareykan ah ayaa shalay howl gal qorsheysan ku qaadan Bariire iyo deegaanada ku dhow dhow, iyagoo dhowr jiho ka weeraray.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee kala gaaray dhinacyada dagaalamay, hase ahaatee waxaa jira dad rayid ah oo miino kula qaraxday gaari ay ku qaxayaeen duleedka Bariire.