Barakacii ugu balaarnaa in muddo ah oo ka bilowday degmada Huriwaa

0
191

Boqolaal qoys ayaa maanta bilaabay inay ka qaxaan xaafado ka tirsan degmada Huriwaa, halkaasoo xalay dagaalo culus oo bar bar socday madaafiic uu ka dhacay, iyadoo dadka deegaanka ay maanta goosteen inay isaga barakacaan guryahooda.

Barakacan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo sanado kadib ka dhaca degmadaas, tan iyo markii dowladda Soomaaliya si buuxda ula wareegtay, waxaana dadka reer Muqdisho maskaxdooda ku soo laabatay xusuustii sanado ka hor oo ay magaaladu aheyd mid dagaal iyo barakac uu wehel u ahaa.

Xaafadaha dadka ka barakaceen ayaa waxaa ka mid ahaa Suuqa Xoolaha iyo SOS oo ahaa goobahii xalay la isku fara saaray, waxaana dadweynaha ay u adkeysan waayeen daryanka madaafiicda dushooda ku dhaceysay.

Dadka barakacayay ayaa u badnaa caruur iyo haween oo alaabahooda ku daad-gureysanayay Gaari dameer iyo gaadiidka xaajiyada loo yaqaano.

Gudoomiyaha degmada Huriwaa Cumar Jacfaan ayaa sheegay in degmadiisa ay soo galeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab oo ka yimid gobolada.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo fariisimo ku leh qeybo ka mid ah degmadaas ayaa weeraro kala kulma xilliyada habeenkii xoogag ka tirsan Shabaab.


 


Idale News oNline