Muqdisho (INO) Bankiga dhexe ayaa lacagtii ugu horreeyay soo daabacaya sanadkan,tan iyo markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe.
Guddoomiyaha bankiga dhexe ee dalka,Bashiir Ciise Cali ayaa u sheegay warbaahinta inay billaabatay qorshaha lugu soo daabacyo lacago shilin Soomaali ah,isagoo sheegay in muddo labo sano ay daraasad ku sameynayeen daabacada lacag shiling Soomaali ah.
Deeq bixiyeyaasha caalamka ayaa taageerraya qorshaha lugu soo daabacayo shilin Soomaaliga,sida u sheegay guddoomiyaha bankiga dhexe,wuxuuna marka xaqiijiyay sanad gudihii lacagtan in lugu soo daabici doono.
“Sanadkan gudihiisa ayaa soo daabici doonaan lacago shiling Soomaali ah, arrintan waxaa soo wadnay labo sano daraasad ayaa ku sameyneynay.”ayuu yiri guddoomiyaha bankiga dhexe oo la hadlayay idaacadda VOA.
Waxaa kalo uu sheegay guddoomiyaha bankiga dhexe shir ka dhacaya magaalada London in looga hadli doono sidii deeq bixiyeyaasha caalamka ay dhaqaale ugu bixin lahaayeen soo daabicida lacagaha shiling Soomaaliya.
Bankiga dhexe ayaa soo bandhigay qorshahan lacagta lugu soo daabacaya xilli toddobadyadii ugu dambeysay uu saru kac sameeyay shilinka Soomaaliga oo halkii doollar lugu badalayo 16 kun oo Sh Somali ah.