Bangladesh:Burburka dhismaha magaaalo madaxda Dhaka ayaa wali laga soo bixinayaa dad (Daawo Muqaalkan)

0
209

Burburka dhismaha

Waxaa la xiray Milkiilihii lahaa dhismaha dumay Mohammed Sohel Rana, kadib markii uu dhuuntay tan iyo markii uu dhismaha dumay Arbacadii.

Ciidanka Bangladesh ayaa diyaarinaya inay isticmaalaan mashiino culus, si ay u qaadaan burburka dhismihii dumay Arbacadii ayna ku dhinteen boqolaal qof.

Shaqaalaha gargaarka ayaa qodaya burburka si ay u gaaraan dadka nool ee wali ku dhexjira dhismaha.

Dadka qaar ayaa ku jiraday urka ka soo baxaya maydka ku qurmaya burburka dhexdiisa.

Ugu yaraan laba kun iyo afar boqol oo qof ayaa la badbaadiyay, tan iyo markii uu dhismaha siddeeda dabaq uu soo dumay Arbacadii.

In ka badan saddex boqol iyo lixdan qof ayaa la ogyahay inay dhinteen ilaa hadda.

Halkan ka daawo Muqaalka

[vsw id=”cYsyfpp4hFc” source=”youtube” width=”425″ height=”344″ autoplay=”no”]

Idale News Muqdisho