Ugu yaraan 16 ruux ayaa ku geeriyootay magaalada Port Said kadib markii ay ka dhaceen rabshado ka dhashay xukunka 21 ruux oo lagu eedeeyay rabshado ka dhacay garoon kubbada cagta ah.
Dad taageerayay dadkii dambiga lagu helay ayaa weeraray xabsiga iyo saldhig boolis oo lagu hayay ragga la xukumay.
21ka ruux ayaa loo haystaa rabshado ay ku dhinteen 74 ruux kuwaasoo ka dhacay garoonka magaalada Port Said bishii Febraayo ee sanadkii la soo dhaafay.
Rabshadaha maanta dhacay ayaa ku soo beegmay sanad guuradii labaad ee ka soo wareegatay kacdoonkii lagu afgambiyay madaxweyne Xusni Mubaarak.
Rabshado baahsan oo ka dhacay Masar ayaa waxaa ku dhintay toddobo ruux halka in kabadan 450 kalana ay ku dhaawacmeen.
21ka ruux ee lagu xukumay dilka ayaa waxa ay ahaayeen taageerayaal kooxda ka dhisan magaalada Port Said ee Al-Masry, markii lagu dhowaaqay xukunkana waxaa u sacbiyay qoysaskii ay ka dhinteen dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay garoonka Port Said.
Dalka Masar ayaa tan iyo markii xukunka laga tuuray madaxweynihii hore Maxamed Xusni Mubaarak waxaa ka dhacayay rabshado sababay dhimasho iyo dhaawacba,
Madaxweynaha dalka Masar Maxamed Murzi ayaa lagu eedeeyaa in dowladiisa aysan waxba ka qaban horumarka dalka Masar isla markaana dhaqaalihii dalkaas uu hoos u dhac ku yimid.
Idale News Muqdisho