Banaanbax Roob doon ah oo ka dhacay Degmada Cadaado

0
203

Bannaan bax roob doon ahaa oo ay  isugu soo bexeen dad aad u fara badan ayaa maanta ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Bannaan baxa oo ay ka soo qeyb galeen dad u badnaa culumaa’udiin  iyo arday wax ka barata dugsiyada Quraanka ayaa socod dheer ka dib isugu soo ururay barxad ku taalla magaalada Cadaado ee gobolka gal-gaduud, halkaas oo ay dadka kula had leen culumaa’udiin iyo mas’uuliyiin ka tirasan maamulka Ximan iyo Xeeb.

Madax weyne ku xigeenka mamulka Ximan iyo Xeeb, Axmed Maxamed Suldaan ayaa ka sheegay dibad baxa in ay isugu soo baxeen si ay Eebe uga baryaan in raxmadiisa uu siiyo dadka iyo deegaanka oo galay xilli aad u kulul.

CADAADO

Idale News Online, Cadaado, Galgaduud.