Banaanbax looga soo horjeedo shirka Brussels oo ka socda magaalada Baydhaba

0
213

Banaan bax ballaaran oo looga soo horjeedo shirka Brussels ee looga hadlayo Hiigsiga cusub ayaa ka socda magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay, iyadoo boqolaal dad ay socod ku marayeen wadooyinka.

Dibad baxayaasha ayaa ku qeylinaya halku dhigyo ka dhan ah shirka Brussels, iyadoo odayaasha beelaha digil iyo mirifle ay horkacayaan banaan baxyada iminka ka socda magaalada Baydhabo.

banaabax1

Malaaq Shiine oo ka mid ah malaaqyada beelaha digil iyo mirifle ayaa sheegay in aysan aqbali doonin waxyaabaha ka soo baxa shirka, isla markaana banaan baxa ay soo qaban qaabiyeen bulshada ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Banaan baxa ayaa waxaa dadweynaha ka qeyb qaadanaya ay wateen boorar, waxaana warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in la gubay sawiro ka mid ah mas’uuliyiinta dowladda.

Waa banaan bixii labaad oo ka dhaca magaalada Baydhabo, iyadoo todobaadyo ka hor banaan bax looga soo horjeeday heshiiskii Addis Ababa ee Maamulka KMG ee Jubba iyo dowladda Soomaaliya uu ka dhacay, waxaana ka socda magaalada Baydhabo shir la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Idale News Online