Banaanbax ka socda Jowhar ” Sawirro”

0
277

Banaan bax looga soo horjeedo Xariga Agaasimaha Isbitaalka Intersos ayaa maanta ka socda magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Dadweyne Caraysan ayaa isku soo baxay Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Jowhar , waxaana ay ku qaylinaayay Erayo looga soo horjeedo maamulka Hirshabeelle.

Qaar ka mid ah dadweynaha ayaa Warbaahinta u sheegay in tahay wax laga naxo mas’uuliyiinta maamulka Hirshabeelle ay dhahaan la xiro Isbitaalka oo ay jiifaan bukaano badan.

Isbitaalka Magaalada Jowhar ayaa waxaa Al-baabada  ulaabay Maamulka Hirshabeelle waxaana ay sidoo kale xabsiga dhigeen Agaasimihii isbitalkaasi.

Ma’uuliyiinta Hirshabeelle ayaa la sheegay in maamulka Isbitaalka ay ku wargeliyeen in ay ka guuraan goobta ay degan yihiin.

banan-bax2banan-bax (1)banan-bax