Muqdisho(INO)— Dibad bax ballaaran oo lagu dalbanayo xuquuqda bulshada degan Gobolka Banaadir iyo in la sameeyo maqaamkii ay laheyd Caasimadda ayaa saaka ka socda qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.
Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay goobo kala duwan, sida Taalada Darjirka Dahsoon Isgoyska KM4, Taalada Sayidka iyo Afarta Jardiino, waxaana dadka ay wateen boorar ku qoran halku dhigyo kala duwan.
Halku dhigyada ay dadka wateen ayaa ah in Muqdisho ay hesho xuquuqdeeda, Gobolka Banaadir uu leeyahay xuquuq la mid ah kuwa gobolada dalka.
Banaan baxan oo ah mid nabdoon ayaa dadka soo abaabulay ay codsanayaan in la cadeeyo maqaamka ay leedahay magaalada Muqdisho, walina ma jirto Mas’uul la hadlay dadweynaha isugu soo baxay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay sheegay in Gobolka Banaadir uu leeyahay xuquuq la mid ah tan 18-ka Gobol ee dalka ka jira, isagoo ka dhawaajiyay in la sameyn doono maqaamkii Caasimada.
Xasan Sheekh ayaa xusay in dadka ku dhaqan Caasimada ay ka badan yihiin kuwa maamul goboleedyada ee isu raacay labo gobol iyo wixii ka badan
Shirkii Madasha ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho bishii Janaayo ee sanadkan ayaa laga soo saaray go’aanada nooca doorashada, waxaana ka mid ahaa in Aqalka sare ee Baarlamaanka lagu soo xulo qaab maamul goboleed, iyadoo la siiyay Puntland, Somaliland min 11 xubnood, halka maamul goboleedyada kalena la siiyay min 8 xubnood, balse Gobolka Banaadir ayaa wax xubno ah la siin.
Idale News Online, Muqdisho