Banaabax lagu taageeraayo Shirkii Wadatashiga Beelaha Digil & Mirifle iyo dhismaha Maamul Goboleedka K/Galbeed oo ka dhacey Baydhaba

0
193

Magaalada Baydhabo Xarunta Gobalka Baay, maanta waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay dhigeen Odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle iyo qaar kamid ah shacabka ku nool Magaalada Baydhabo.

Ujeedka banaanbaxan ayaa wuxuu ahaa sidii loo taageeri lahaa go’aanka Odayaasha Dhaqanka Digil iyo Mirifle ay ku gaareen maalmo ka hor Magaalada Baydhabo, kaasi oo ahaa inay sameystaan maamul ka arimiya Gobalada Koonfurta dalka Soomaaliya.

Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ah odayaasha Digil iyo Mirifle ayaa warbaahinta u sheegay in banaanbaxa si wanaagsan uu uga dhacay Magaalada Baydhabo, Dadkii kasoo qeybgalayna ay muujiyeen taageerada go’aanka Odayaasha Digil iyo Mirifle.

Qowmiyada digil iyo mirifle ayaa waxaa ey usoo jeesatey sidii ey danahooda ku qabsan lahaayeen maadaama in mudo ah ey sugayeen sidii dowlad buuxda somaliya uga dhalan laheyd kadib ey u sameysan lahaayeen maamul ayaga u qaas ah deegaanadooda.

banaanbax

Idale News Online