Xoghayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon waxa uu xalay Qoraal u kala diry Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM, si ay uga arrinsadaan sidii dalka Somalia looga qaadi lahaa Xayiraadda Hubka ee saran.
Sida ay baahisay Xarunta Wararka ee QM “UN News Center’ waxa uu Ban Kii Moon ka codsaday xubnaha Golaha Ammaanka ee QM inay garwaaqsadaan sidii loo qaadi lahaa Xayiraadda Hubka ee 20-jirsatay ee dalka Somalia saran.
Qoraalkiisa, waxa uu ku sheegay in la tixgeliyo baahida degdegga ee ay Dowladda Somalia u baahan yahay si loo horumariyo Ciiddamadda Qaranka Somalia.
“Xubno Qas-wadayaal ah ayaa weli ku harsan gudaha iyo dibedda dalka Somalia, kuwaasi oo mucaaradsan Dowladda Cusub ee Somalia oo ku hawlan sidii nabad iyo deganaansho loo heli lahaa” ayuu yiri Ban Ki-Moon oo dhinaca kale xusay inaysan QM oggolaan doonin inay Qas-wadayaasha kala dhntaalaan dadaalka Dowladda Somalia.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee QM, ayaa Hindise ahaan ku soo jeediyey in Ciiddamo QM ama kuwo isku dhaf ah UN-AU la geeyo dalka Somaalia, marka ay Ciiddamadda Somalia iyo kuwa AMISOM ka soo farxashaan Hawlgalka lagula jiro Kooxda Alshabaab.
Madaxweynaha Dowladda Somalia,Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horey QM uga codsaday in la qado Xayiraadda Hubka ee Somalia, si ay Ciiddamadda Dowladda u helaan hub ka tayo fiican hubka ay Kooxda Alshabaab haystaan.
Ururka Midowga Afrika “AU” waxay bishii October ee sannadkii hore ka codsadeen Golaha Ammaanka ee QM in la qaado Xayiraadda Hubka ee saaran Somlia, si Ciiddamadda Qaranka Somaliau heleen Qalabka Milliteri ee ay u baahan yihiin.
Idale News Muqdisho