New York(INO)Xoghayaha guud ee QM Ban Ki Moon ayaa cambaareeyay weerarkii asbuucii lasoo dhaafay ay xooggaga Al-shabaab ku qaadeen saldhigga AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiyaanka ee deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ee Soomaaliya.
Sida ay qortay xarunta wararka ee QM (UN News Centre) sida laga soo xigtay afhayeenkiisa wuxuu Ban ugu baaqay dawlada federaalka ah ee Soomaaliya inay aad ugu dhiirato inay la dagaalanto kooxda Al-shabaab.
Wuxuu intaasi ku daray in QM ay ka go’antay xasilinta Soomaaliya iyo dib u dhiska Soomaaliya.
Ugu dambeyn Mr. Ban wuxuu tacsi u diray qoysaskii ciidamadii ku dhintay halkaa iyo dhammaan dadkii waxyeeladu kasoo gaadhay dagaalkii halkaa ku dhex maray AMISOM gaar ahaan ciidamada Itoobiya ee AMISOM iyo ciidamada dawlada Soomaali oo isku dhan ah iyo Al-shabaab.
Idale News Online, New York