Bam ki moon oo taageeray qorshaha R/Wasaare Abdiwali Sheikh iyo dadaalka xukuumadiisa

0
176

Ra’iisul wazaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Sheekh Axmed oo dalka Equatorial Guinea kaga qeybgalaya shir ay hogaamiyeyaasha qaaraddan afrika Afrika ku leeyihiin halkaas ayaa wadahadallo la qaatay xoghayaha guud ee Q/M Ban Ki-moon,

Mr, Ban iyo mudane Cabdi wali ayaa isla soo qaaday hormarrada dhinacyada Siyaasadda iyo Amniga ee dalka Soomaaliya. Bam KI Moon ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed ku taageeray qorshaha dedejinta dhismaha maamul goboleeyada dalka iyo hanaanka federaalka dalka. waxuuna sheegay in qaramada midoobey ay taageersan tahay horumarka laga gaarey heshiiska dowladiisa ay garwadeenka ka aheyd ee ay dhinacyada Koonfur galbeed isugu keentay.

War laga soo saaray xafiiska Ra’iisul wazaaraha Somaliya ayaa lagu sheegay in ay doodeen sida ay Q/M, ku sii wadi lahayd taagerada ay siiiso Soomaliya, Ra’iisul wazaaraha Soomaliya mudane Cabdi Wali Sheekh Axmed ayaa soo jeediyay kaalinta Q/M kaga aadan xaqiijinta amaanka iyo Nabadda Soomaliya iyo taageerada Aadminimo ee la siiyo dadka taagta daran,

Gunaanadka wadahadallada labada dhinac ayuu xoghaye Ban, waxa uu hoosta hoosta ka xarriiqay in Q/M, ay sii wadeyso howlaha ay ka wado dalka Soomaaliya inkastoo qaar ka mid ah shaqaalaha iyo xarumahoodaba la weeraray.

RW.Cabdiwali

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa u muuqda inuu taageero xoogan ka haysto beesha caalamka oo iyadu siiso dhaqaalaha dowlada ay ku bixiso ciidanka iyo tababarada  dowlada federaalka sidoo kale maalgalisa qarashka ciidamada nabad ilaalinta ee jooga Soomaaliya.

Idale News Online