Gudiga Badbaado oo deeq Afurin ah gaarsiiyay dad ku sugan Gobolka Shabeelada Hoose gaar ahaan Degmada Wanlaweyn.
Dad gaaraya illaa 71 Qoys oo aan heysan wax ay ku afuraan maadaama dalka uu imminkadan ku jiro abaaro.
Dadkan ayaa waxaa la gaarsiyay Raashiin iskugu jira Bur, Bariis, Sokor, Timir iyo Saliid taasi oo ku filnaan karta qooskiiba.
Waxaana ugu damebyentii ka mahad celiyay Dadkii lagaarsiyay waxayna u duceeyeen dadka soo gaarsiyay deeqdan.
Qurba joogta ku dhaqan wadamada caalamka kana soo jeeda degmada Wanlaweyn ayaa ah kuwa marwalba kanaxa dhibaatada heysata deegaanka una gargaara dadka tabaaleysan waxna u qabta deegaanka ay ka soo jeedaan maadaama ay yihiin dadka haatan u dhuunduleela ka warqabidda deegaankooda iyo dadkooda.
Gudiga Badbaado oo wakiil ka ah ayaa waxay ka shaqeeyaan sida loo gaarsiin lahaa baahida dadka tabaaleysan qurbajoogta iyo Hay’adaha kheeriga ah kuna hadla Afka masaakiinta si loo ogaado baahiyaha dadkaas tabaaleysan ee ku nool deegaanka.
Ma ahan markii ugu horeeysay oo raashiin noocaan oo kale ah lasoo gaarsiiyo degmada taas oo ka timid Jaaliyada ku nool dalka dibaddiisa.
WAAKANAA GUDOOMIYAHA BADBAADO OO KAWAR BIXINAYA DEEQDA AFURINTA AH
https://www.youtube.com/watch?v=1RojjpHmiE4