Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ansixiyay Sharciyo uu ka mid yahay Axsaabta Siyaasada

0
408

Muqdisho(INO)— Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedyo dhowr ah oo uu ka mid yahay sharciga Axsaabta siyaasada.

Hindise sharciyeedyadan ayaa ahaa kuwo muddo laga sugayay Xildhibaanada Baarlamaanka inay meel mariyaan.

Kulanka Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar, isagoo ka dalbaday Xildhibaanada inay hindise sharciyeedyada kale ee wali harsan ay sida ugu dhaqsiyaha badan u meel mariyaan.

Hindise sharciyeedka la meel mariyay ayaa waxaa ka mid ahaa Hindise sharciyeedka Axsaabta Siyaasada ee dalka, Xanaanada xoolaha, dhismaha Guddiga madaxa banaan ee xuquuqul insaanka.

Qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasada ee dalka ayaa horay ugu eedeeyay Xukuumadda Soomaaliya inay ka caga jiideyso meel marinta sharciga asxaabta siyaasada, inkastoo sharcigan uu dhowr marxalad soo maray.

Dhinaca kale waxaa kulankii maanta hor-tagay Wasiirka Gaashaandhigga C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa hor-geeyay heshiis dhex maray dalalka Bariga Afrika oo ku saabsan dhismaha Ciidamo gurmad ah oo ay yeeshaan dalalkaas.

Wasiir Diini ayaa sheegay in heshiiskan uu Soomaaliya faa’ido weyn ugu jirto hadii ay ka mid noqdaan dhismaha Ciidamada Gurmadka ay yeelanayaan dalalka Bariga Afrika.

Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay u gudubto nidaamka xisbiyada badan, si meesha looga baxo qaabka qabaliga ah, iyadoo ay dalka ka jiraan Xisbiyo siyaasadeed gaaraya illaa 20 xisbi, inkastoo aanay buuxin shuruudaha looga baahnaa.

Idale News Online, Muqdisho