Idalenews: kulanka ay yeesheen magaalada Hargeysa waxa ay ku doorteen guddoomiye ku xigeenka koowaad ee wakiilada Somaliland.
Fadhiga saaka ay yeesheen xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo uu shir guddoominayay guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Somaliland Baashe Maamed Faarax ayaa waxaa fadhiyay golaha 70 Xildhibaan.
Xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ayaa waxaa u tartamay saddexda xildhibaan ee kala ah Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh. Cali, Xildhibaan Axmed Cabdi Kaahin (Casood) iyo Xildhibaan Xasan Hufane.
Doorashadan ayaa waxaa ku guuleystey Axmed Yaasiin sheikh Cali Ayaanle oo helay 50 cod, halka uu xildhibaan Xasan Hufane uu ka helay 16 cod sidoo kale xildhibaan Casood ayaa isna helay hal cod.
Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee maanta la doortay waa nin dhallinyaro ah oo laga soo doortay gobolka Awdal waxaana uu ka mid yahay xildhibaanada Golaha wakiilada ee kasoo jeeda Xisbiga Waddani.
Xildhibaaada golaha wakiilada Somaliland ayaa khilaaf ka dhashay doorashadii gudoomiyaha golaha wakiilada oo kala qaybiyay xildhibaada la soo afjaray todobaadkan waxayna taasi sababay in dhawr jeer uu dib u dhaco doorashada gudoomiye ku xigeenka koowaad