Baarlamaanka oo soo Dhaweeyey Xakameynta Hubka Culus

0
221

Guddiga joogtada ah ee baarlamanka Soomaaliya oo 17-kii bishan ka dhageystay xukuumadda Soomaaliya warbixin ku saabsan howl-gallada xakameynta hubka iyo siyaasadda ay u dejisay, uuna goobjoog ka ahaa ra’iisul wasaaraha Somalia, ayuu guddigu warbixin kasoo saaray maanta qorshaha xakameynta hubka sharci-darrada ah.

Kulan gaar ah oo uu guddigu yeeshay shalay ayay si aad ah ugu falanqeeyeen warbixinta xukuumadda Somalia, ayay mabda’ ahaan u ayideen in la xakameeyo hubka, ayna ka mid tahay waajibaadka uu golaha baarlmaanku u xilsaartay xukuumadda.

Guddigu ayaa sheegay in xukuumaddu ay awood buuxda u leedahay suggida amniga sida uu qabo qodobka 99-aad ee dastuurka Soomaaliya faqradiisa F. iyadoo guddigu hoosta ka xariiqay waajibka saaran xukuumadda iyo amniga shacabka sida uu qabo qodobka 126-aad faqraddiisa koowaad oo oranaya.

Sidoo kale, gudigu wuxuu soo jeediyay in xukuumadu hubiso la xisaabtanka laamaha amniga, iyadoo xaqiijinaysa sarreynta sharciga iyo ilaalinta xuquuqda dadweynaha – si waafaqsan faritaanka dastuurka ee qeexaya inay hay’adaha rayidka ah kormeeraan hay’adaha amniga ee hubka sita sida uu qabo qodobka 126-aad ee dastuurka dalka faqraddiisa lixaad.

Guddiga wuxuu xusay inuu xukuumadda xusuusinayo in dastuurka dalka si adag u xaqiijiyay xurmada guryaha, iyadoo uu si cad ugu qeexayo qodobka 19-aad ee dastuurka faqraddiisa koowaad oo oranaya.

Warbixint ayaa lagu sheegay in guddigu u soo jeedinayaa xukuumadda inay dalka oo dhan ku baahiso fulinta siyaasaddeeda xakameynta hubka iyadoo u maraysa dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka.

Xildhibaanada-Baarlamaankah

Idale News Online, Baydhabo Janay