Baarlamaanka oo kulankii Axada yeelan lahaayeen dib uga dhacay

0
210

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari isagoo sheegay in dib loo dhigay kulan berri oo Axad ah ka dhici lahaa Muqdisho oo Xildhibaanada Baarlamaanka iskugu imaan lahaayeen Mooshin Codka kalsoonida loogu qaadi lahaa R/wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed Maxamed.

Xildhibaanada-Baarlamaanka

HALKAAN HOOSE KA AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY GUDOONKA BAARLAMAANKA

1 Annagoo oo tixraaceyna go’aankii ka soo baxay Xafiiska Guddoonka Golaha Shacabka taariikhdu markay aheyd 24kii Nofeembar 2014 ee uu Guddoonku ku hakiyey kulamadii Golaha Shacabka inta uu xal uga gaarayo xasilooni-darrada iyo nidaam darro ka dhalatay guda-gelidda ajandaha Mooshinka kalsooni kala noqoshada Xukuumadda ee horey loo qaybiyey.

2. Annaga oo si dar dar leh u guda-galnay wadatashi iyo isku soo dhaweyn xildhibaanada ku kala aragti duwan Mooshinka kor ku xusan ayaa waxaa Mahad Alle ah in Xildhibaannada oo ilaalinaya Golohooda iyo sidoo Male xilka ay u dhaarteen, waxay isla garwaaqsadeen sidii ay isaga kaashan lahaayeen ilaalinta jiritaanka wadajirka iyo habsami u socodka hawlaha Golaha Shacabka loo igmaday.

3. Waxaa Mahad balaaran u jeedinaynaa xubnaha Golaha Shacabka guud ahaan sida sharfta leh ee ay nooga wada ogolaadeen xal u raadinta habsami u socodka hawlaha Baarlamaanka.

4. Sidoo kale waxaan Mahad balaaran iyo qaddarinba u jeedineynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo R/Wasaaraha Xukuumadda Federaalka gacanta ay nagu siiyeen dejinta xiisadda siyaasadeed oo ayaamahanba aloolsaneyd.

Waxaan mar Male u xaqiijineynaa Shacabka Soomaaliyeed in aan dad ahaan iyo Hay’ad ahaanba isku filan nahay in aan xasilin karno xallinta khilaaf kastoo dhexdheena ah iyo daryeelka maslaxadda iyo danta guud ee Dalka.

6. Haddaba, wuxuu Guddoonka Golaha Shacabka garwaaqsaday in uu gaaray xaalad degenaasho uu kulamadii uu Golaha Shacabka dib ugu furmi karaan.

7. Wuxuu Guddoonl‹a damaanad qaadayaa in kulanka gudagalka ajendaha Mooshinka kalsooni kala noqoshada la 9aban doono Talaadada 2da Diseembar 2014, ka doodista iyo ka go’aan gaaristuba la soo gabagabeyn doono Sabtida 6da Diseembar 2014.

8. Waxaan Shacabka Soomaaliyeed u xaqiijineynaa in kulanka ugu horeeya ay habsami u socodka hawlaha Baarlamaanku dib ku soo noqon doonto sharaftii dimuqraadiyadii Baarlamaaniga aheyd iyo degenaashadii hore loogu bartay labadii sano ee la soo dhaafay.

Idale News online, Muqdisho