Baarlamaanka Midowga Yurub oo dalbaday in muwaadiniinta Mareykanku Visa soo qaataan

0
209
jpg2015040115509774938 Different visas and stamps in a passport - travel background

Bruselles(INO)- Baarlamaanka midowga Yurub ayaa dalbaday in muwaadiniinta Mareykanka lagu amro inay Visa ku galaan Yurub. Golaha Midowga Yurub ayaa laga dalbaday in tallaabadaasi uu dhaqan geliyo.

Haddii amarkaas uu meelmaro, qofkastoo haysta baasaboorka Mareykanka waxaa laga doonayaa dal ku gal inuu ku tago Yurub.

Waxa uu baarlamaanka Mdiwoga Yurub meel mariyay qaraar amraya in go’aanka lagu meelmariyo laba bilood gudahood.

Dhanka Yurub marka la eego, muwaadiniinta shan dal oo EU ka mid ah ayaa laga rabaa dal ku gal, ka hor inteysan Mareykanka u safrin.

Balse dhammaan muwaadiniinta Mareykanka waxay hadda u kala safri karaan dhammaan dalalka EU ayagoo aaan haysan dal ku gal ama Visa.

Golaha Midowga Yurub ayaa laga doonayay in tallaabadan uu qaado bishii April ee sanadkii tagay.

Go’aanka ayaana soo baxay markii la ogaaday in dalal ka mid ah xubaha EU aysan US u safri karin Visa la’aan.