Barzil(INO)— Madaxweynaha Brazil Dilma Rouseff ayaa ku guda jirta saacadihii u dambeeyay oo ay taageero uga raadineyso Baarlamaanka, iyadoo lagu wado maanta oo Axad ah in Baarlamaanka dalkaas inuu u codeeyo mooshin ka dhan ah oo xilka looga qaadayo.
Ms Dilma Roussef oo ah haweeneydii u horeysay ee Brazil ka noqota Madaxweyne ayaa lagu soo eedeeyay musuq maasuq, ka hor inta aan dib loo dooran.
Banaan baxyo iska soo horjeeda ayaa ka dhacay magaalada Caasimada ah ee Brasilia, waxaana taageerayaasheeda ay dalbanayaan in mooshinka laga hortago.
Sidoo kale dibad baxayaal ka soo horjeeda ayaa iyana ku baaqaya in xilka laga qaado, waxaana mucaaradka ay wadaan ololihii u dambeeyay.
Madaxweynaha Brazil ayaa xilka looga qaadi karaa saddex meel, labo meelood, waxaana ay dadaal badan ugu jirtaa sidii ay u heli laheyd taageerada inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka.
Mar ay ka hadleysay mooshinkan iyo tallaabooyinka ka dhanka ah ayay sheegtay inuu yahay afgambi dimoqraadiyada uu ku tallaabsaday Brazil.
Brazil ayaa waxaa ka jiray qalalaaso siyaasadeed iyo musuq maasuq isa soo tarayay oo lagu eedeynayay Mas’uuliyiinta dalkaas iyo kuwo horay u soo qabtay xilal, waxaana dhowr jeer dhacay banaan bax ka dhan ah dowladda.
Idale News Online, Brazil