Qarax baabuur ayaa goor dhow ka dhacay Isgoyska Sanca, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa.
Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa ka dhashay gaari yar oo la rumeysan yahay in walxaha qarxa ay saarnaayeen.
Dad goob joogayaal ayaa sheegaya in gaariga uu aad u gubtay, isla markaana qiic iyo uuro ay cirka isku shareertay, waxaana goobta soo gaaray ciidamo boolis ah iyo Nabadsugid, kuwaasoo goobta xiray.
Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu qarxay markii darawal saarnaa uu ka degay, sida IdaleNews.com uu u sheegay qof mehrad ganacsi Sanca.
Gudoomiyeyaasha degmooyinka Kaaraan iyo Yaaqshiid ayaa sheegay in gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, isla markaana hal qof ku dhintay, qof kalena ku dhaawacmay
War hada na soo gaaray ayaa sheegaya in qaraxa gaariga uu ku dhintay Gudoomiyihii hore degmada Aadan Yabaal Cali Alaalax.
Isgoyska Sanca ee Waqooyiga Muqdisho ayaa waxaa ku taal goob baabuurta BL-ka laga raaco, waxaa ku yaala goobo ganacsi kala duwan.
Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena
Idale News ONline