Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee Magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan , oo loo yaqaan Axmed Suudaan ayaa kulan isbarasho ah kula yeeshay maanta Magaalada Cadan dhiggiisa dalka Masar u fadhiya magaaladaasi , waxa ayna ka wada sheekeysteen xaaladda labada dal ee Soomaaliya iyo Masar .
Qunsul Axmed Cabdi Xasan , waxa uu sheegay in kulanka uu ahaa isbarasho dhexmaray isaga iyo Qunsulka Masar ee Magaalada Cadan ee dalka Yemen oo lagu magacaabo Xadaad Cabdulwahaab Aljowhari , ayna is dhaafsadeen xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee labada dal iyo xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada shacbi ee walaalaha ah waa Masar iyo Soomaaliya .
Qunsul Axmed , waxa uu ka xog waramay isbadalada siyaasadeed ee taariikhiga ah ee wadanka Soomaaliya uu lugta la galay , kuwaasoo suuragalay markii dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhaqan gelisay hindisayaal nabadda wadanka lagu sugayo , laguna hagaajinayo amniga iyo kala dambeynta caasimadda Muqdisho, taasoo fursad siisay in madax kala duwan oo wadamada bariga afrika iyo wakiilo ka kala socday wadamada daneeya arrimaha Soomaaliya ay goob joog ka noqdaan madasha lagu caleema saarayay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud .
Waxa uu yiri Qunsulka “ waxaan ka warbixiyay in Soomaaliya ay ka hana qaaday dowlad federaal oo soo afjartay marxaladdii kumeel gaarka aheyd ee Soomaaliya ay ku soo jirtay muddo ku dhow 12 sano , waxaana dowladeenu ay maanta awoodaa in ciidamadeeda ay dib u dhisto , ayna qalabeyso ,heshiisyo caalami ahna ay saxiixdo, ayna hesho maalgashi dhaqaale iyo yabooh lacageed, waxaana howlaha socda ay bilow u yihiin horumar baaxad leh oo ay ku raja weyntahay dowladda inay dhaqan geliso muddo 4 sano gudahooda si loogu googol xaaro doorasho dimoqraadi ah oo dadyowga Soomaaliyeed ay codkooda ka dhiiban doonaan aaya- ka talinta wadanka”
Qunsulka Soomaaliya ee Cadan ayaa ku dhiiri geliyay dowladda Masar in looga baahan yahay in kaalin firfircoon ay ka qaadato sidii diblomaasiyiinta carbeed ay toos uga howl bilaabi lahaayeen Caasimadda Muqdisho si ay u noqoto bilowga isbadalka nabadda ee Soomaaliya , waxaana uu uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Masar sida walaaltinimada leh ee ay uga damqanayaan dhibaatooyinka Soomaaliya oo hadda ku dhow dhammaad.
Dhinaciisa , Qunsulka Masar ee Magaalada Cadan ayaa carabaabay in hogaanka cusub ee masar uu wax ka badali doono siyaasadii dawladii Madaxweynihii hore Xusni Mubaarak ee dhacday, ayna diyaar la tahay ka qeyb qaadashada dadaalada dowladda cusub ee Soomaaliya ay ku dooneyso dib u dhisida heykalka dowladnimo, isagoo xusay in Xukuumadda Qaahira ay muujineyso taageerada ay u heyso hogaanka cusub ee baarlamaanka iyo madaxtooyada.
Idale News Cadan, Yeman