Axmed Siilaanyo “Dhismaha Saldhiga Milateri, waxaa ku bedeleynaa mashaariic waa weyn”

0
191

Hargeysa(INO)— Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka hadlay danta Somaliland ugu jirto heshiiskii Imaaraadka Carabta ee ah inay saldhig Milateri ka dhistaan magaalada Berbera.

Heshiiskan ayaa dhaliyay buuq iyo jahwareer ka dhex bilowday Xildhibaanada labada Gole ee Somaliland, waxaana markii dambe Xildhibaano buuq sameeyay xoog looga saaray fadhiga.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa ka shanqariyay in dhismaha saldhiga milateri ay siisanayaan mashaariic waa weyn oo ay ku bedelanayaan.

“Dhismaha Saldhiga Milateri, waxaa ku bedeleynaa mashaariic waa weyn, sida dhismaha wadada isku xirta Berbera illaa Wajaale”ayuu yiri Madaxweyne Siilaanyo.

Xisbiga Wadani oo ka mid ah axsaabta mucaaradka Somaliland ayaa ka soo hor-jeestay ansixinta baarlamaanka ee heshiiskaas, waxaana Guddoomiye C/raxmaan Cirro uu sheegay in Imaaraadka Carabta ay lacago u adeegsatay in heshiiskaas loo ansixiyo.