Kismaayo(INO)-Madaxweeynaha maamulka Jubaland Axmed Max’ed Islaam (Axmed Madoobe) oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo kadib safar shaqo oo uu mudooyinkii ugu danbeeyay ugu maqnaa dalka isu-tagga imaaraadka Carabta ayuu baaq nabadeed ugu diray maamullada Puntland iyo Galmudug.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay in uu burburo heshiiskii lagu gaaray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, isagoo madaxda Puntland iyo Galmudug ka codsaday in ay u turaan shacabka islamarkaana joojiyaan dagaallada dib uga qarxay Gaalkacyo.
“Gaalkacyo, Gaalkacyo unbay ahaaneeysaa, isma badaleeyso, cid xoog looga rarayana ma jirto, oo dadku waa wada daganaanayaan, waxaan ka codsanayaa labada dhinac in la joojiyo dhiigga sida xaq darrada ah lagu daadinayo, waa in wax walba wadahadal lagu dhameeyaa,” ayuu madaxweeynuhu hadalkiisii raaciyay.
Dhinaca kale, waxa uu sheegay in magaalada Kismaayo uu ka dhici doono shirweeyne dib u heshiisiineed oo ay isugu iman doonaan madaxda Puntland iyo Galmudug, isagoo intaa kahor sheegay in ergo odoyaal dhaqameed reer Jubaland ah ay tagi doonaan deegaanada Puntland iyo Galmudug si ay waan-waan uga dhex bilaabaan lxuu sheegay in uu rajeeynayo in madaxda labada maamul ay shirkaasi kaso
Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa maanta ka qarxay dagaallo culus oo u dhexeeyay maamullada Puntland iyo Galmudug, ayadoo lagu soo waramayo in dagaalladaasi ay ku dhinteen ku dhawaad 20 qof oo ay ku jiraan dhinacyadii dagaalamay.