Kismaayo(INO)-Kulan Xarunta Madaxtooyada Kismayo ku dhexmaray Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe iyo Xubno uu horkacaayay ergayga qaramada midoobay uqaabilsan Somalia Nicholas Kay, ayaa waxaa diirada lagu saaray dhismaha Baarlamaanka Maamulka uu yeelan doono.
Kulanka oo ahaa mid muddo qaatay ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ugu muhiimsanaa qodobka ku saabsan dhismaha Baarlamaanka Jubaland iyo Amniga.
Madaxweynaha Jubaland oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in ka maamul ahaan qorshahoodu yahay in soo xulista xildhibaanada Jubaland lagu soo afmeero muda 15 maalin gudahood.
Waxa uu tilmaamay in Ergooyinka oo idil ay u fadhiyaan Shirka kaliya laga dhowr sugaayo ku dhawaaqida Xubnaha iyo soo afmeerida shirka.
Beesha Caalamka ayuu ugu baaqay inay taageerto hanaanka soo xulasho Baarlamaanka Jubba, waxa uuna arrin muhiim ah ku sheegay inay munaasab tahay in la taageero Maamulka.
Dhinaca kale Nicholas Kay ayaa bogaadiyey waxqabadka maamulka Jubaland mudadii uu jiray waxa uuna carabaabay inay buuxin doonaan kaalintooda.
Idale News Online, Kismaayo.