Axmed Madoobe oo Kun Askari maanta Tababar Usoo Xirey

0
201

Hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa waxa uu maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa Deegaanka Raaskambooni isagoo maanta halkaasi ugu soo xiray Tababar ciidan kudhaw kun Askari.

Axmed Madoobe oo lahadlay ciidanka tababarka usoo xirtay ayaa sheegay inay noqon doonaan kuwii xoreyn lahaa Deegaanada ay weli ka joogaan Al Shabaab Gobollada Jubbooyinka.

Tababar Muddo bilo ah uga socday Raaskambooni ciidan Kun Askari tiradooda lagu sheegay ayaa maanta loo soo gaba gabeeyey iyadoona loo dhameystiray qalabkoodii ay ku howlgeli lahaayeen.

Sargaal uhadlay Ciidanka Jubba oo lagu magacaabo Khaalid ayaa sheegay in ciidankaan maanta Tababarka loo soo xirey ay noqon doonaan kuwii la wareegi lahaa Bu’aale iyo Jilib oo Jubada dhexe katirsan Shabaabkuna ay ku xoogan yihiin.

Idale News online,Kismaayo