Axmed Madoobe Oo Hanjabaad u Diray Xubnaha Ku Shirsan Garbahaarey

0
206

Kismaayo(INO)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa hanjabaad u diray xubnaha ku shirsan degmada Garbahaareey ee gobalka Gedo.

axmed-garoowe

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirka ka socda Gedo uu yahay mid lagu kala geynayo shacabka Soomaaliyeed ee degan Jubooyinka iyo Gedo, isaga oo tilmaamay in maamulkooda go’aan kasoo saarayo.

Shirka ayuu sheegay in ay isugu tageen oo kaliya shaqsiyaad leh dano gaar ah, kuna qaraabanaya magaca mid ka mid ah beelaha halkaasi degan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Magac beel iyadaba hogaanka u haysa Jubbaland ayaa laga been sheegayaa, shirka ka socda Garbahaarey waxa uu yahay waan ognahay, hadii aan been la sheegayn waxaa meesha ku jira rag Jubbaland wax kasoo dhisay, hadana weji kale la yimid, markii ay danahooda meesha ka dhex waayeen, sidaa darteed wax socon doona ma ahan tani” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Dhinaca kale waxa uu sheegay Madoobe in marka hore wada tashi degdeg ah uu la yeelan doono Odayaasha dhaqanka ee Gedo, ka dibna lasoo saari doono go’aan dhan walba ha ahaadee.

Axmed Madoobe ayaa aad uga welwelsan shirka Midnimo ee ka socda Garbahaarey, waxaana cabsida ugu daran ay tahay in shirkaasi laga soo saaro go’aano cad cad oo laba taabtaan ah, walibana ka dhan ah maamulkiisa.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here