Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo shalay ay doorteen Madaxweynaha Jubaland Ergooyin shirweyne ku lahaa Kismaayo ayaa ka digay dhibaatooyin ka dhaca magaalada, isagoo eedeyn kulul u jeediyay dowladda Soomaliya.
Axmed Madoobe ayaa sheegay in ergooyin ka qeyb galay shirweyne muddo soo socday ay shalay u doorteen inuu noqdo Madaxweynaha Jubaland, isagoo cadeeyay in wax uu dhoodhoobay aanay aheyn, balse dadka meesha ku shirsanaa ay ahaayeen dad aayahooda ka tashanayay.
Waxaa uu sheegay in musharaxiinta ka qeyb galeysay shirka ay tanaasul sameeyeen, isla markaana ay ka aheyd howsha socda in la sii wado, taasna ay keentay in isaga loo doorto Madaxweynaha Jubaland.
“Hadii dhibaatooyin halkan ka dhacaan dowladda ayaa Mas’uuliyad qaadeysa, waayo horay ayaa ula hadalnay, anaga dad goosanaya ma nihi wiil iyo waalid ayaa nahay”ayuu yiri Axmed Madoobe oo la hadlay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka degan, iyadoo magaalada laga dareemayo dhaq dhaqaaqyo ciidan.
Idale News Online Mogadishu