Axmed Madoobe, Gabre & Afey oo Cadaalad Darro ku sameeyay Beelaha Hubeer, Yantaar Iyo Geelidle

0
534

Kismaayo (INO) — Waxaa Kismaayo ka dhacay Cadaalad xumo aad u weyn oo Axmed Madoobe ku sameeyay Beelaha Hubeer, Yantaar, Geelidle iyo Beelo kale oo deegaan ah, kadib markii uu duudsiiyay Xuquudoodii ah inay Xubno ka helaan Baarlamaanka.

Teaser Image Axmed Madoobe, Gabre & Afey oo Cadaalad Darro ku sameeyay Beesha Cawramale

Odayaasha & Siyaasiyiinta Beelahan, ayaa sheegay in  Baarlamaanka Maamulka Axmed Madoobe loo qeybiyay Xildhibaanadiisa Hal Beel gaar oo dhamaan isku hayb, taasina waxa ay noqotay mid ay aad uga xumaadeen Beelaha Jubbooyinka.

Beelaha Hubeer, Yantaar Iyo Geeledle waxay kamid yihiin Beelaha isaga baxay Shirka Magaalada Kismaayo, ee uu Axmed Madoobe u afduubnaa, kuna xulayay Xildhibaano kasoo jeeda Beeshiisa ee Ogaadeen  oo Deegaan ahaan looga badan yihay Jubbooyinka.

Waxaa la sheegay in Shirka ay Hogaanka u hayeen Axmed Madoobe, Maxamed Cabdi Afey & G.GABRE oo Bistoolad ku handadayey Odayaasha Shirka soo xulista Baarlamaanka Jubba, waxaana si qasab ah loogu diiday Beelaha Hubeer, Yantaar Iyo Geeledle  inay xitaa ka Hal Xubin ka helaan Gobolka Jubbada Hoose.

Ugu Dambeyntii, Axmed Madoobe ayaa lagu eedayay inuu Mas’uul ka yahay Sed-bursiga lagu sameeyay Beelaha Hubeer, Yantaar , Geeledle & Beelaha kale ee loo diiday inay ka qeyb noqdaan Maamulka Jubba & Baarlamaankiisa.

Idale News Online – Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here