Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in aysan waxbo ka beddeleyn mowqifkeeda ku aaddan caawinta shacabka Soomaaliyeed weerarkii maalintii Sabtida lagu qaaday guri ay Muqdisho ka degan yihiin shaqaalaha safaaradda Turkiga ee Somalia.
Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmed Davutoglu ayaa ku nuux-nuuxsaday in dalkiisu uusan waxba ka beddelin siyaasadiisa ku wajahan Somalia, isagoo qeexay in ay xoojin doonaan mashaariicda horumarineed ee ay Somalia ka wadaan.
Hadalkan wuxuu jeediyey mar uu booqanayey qaar kamid ah askarta Turkiga ee ku dhaawacantay weerarka, wuxuuna Alle uga baryey caafimaad deg-deg ah.
Askari ilaalo ahaa oo qaraxa lagu dilay ayaa shalay la aasay, iyadoo aaskiisa ay boqolaal oo qof ka qeybgaleen oo uu kamid ahaa safiirka Somalia u fadhiyo Turkiga.
Idale News Online Mogadishu