Axmad madoobe oo wacad kumaray inay ka hortaggi doonaan Al-shabaab

0
423

Kismaayo(INO)-Xilli Ciidamada Maamulka Jubbaland iyo Amisom ay bilaa dagaal kula wareegeen Jazeerada Kudhaa ee Gobolka Jubbada Hoose, ayuu Maamulka Jubbaland sheegay inay ka hortaggi doonaan, in Shabaabku ku soo laabtaan Kudhaa.

Afhayeenka Maamulka Jubbaland C/naasir Seeraar Maax, ayaa tilmaamay in Shabaabku ku soo laaban karaan Jazeerada Kudhaa, hase ahaatee ay ka hortaggi doonaan, sida uu yiri.

“Way soo laaban karaan sidii horeyba u dhacday, balse waan ka hortaggi doonaan si aysan ugu soo laaban Kudhaa.” Ayuu yiri Afhayeenka Maamulka Jubbaland oo la hadlay Warbaahinta gudaha.

“Waa hawlgal qorsheysan oo muddo dheer soo socday, waxaana ku xaqiijinay gacan ku haynta Jazeerada Kudhaa.” Ayuu yiri C/naasir Seeraar Maax.

Seeraar, ayaa markale yiri “Kudhaa muhiim ayay u ahayd nabadiidka, maxaa yeelay waxay kala soo deggi jireen hubka, waxaa ka soo deggi jiray ajaaniibta u imaaneysa, dhuxushana way ka dhoofin jireen.

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here