Daawo: Askartii Kenya kaga dhaawacmay weerarkii Ceel-cade oo la geeyay Nairobi

0
354

Nairobi(INO)- Ciidamada Kenya ee lagu dhawaacay weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen jimcihii la soo dhaafay deegaanka Ceel-cade ee Gobolka Gedo ayaa laga dejiyay Garoonka diyaaradaha magaalada Nairobi si halkaasi loogu dabiibo.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerarkaasi Ceel-Cadde ay ku dileen askar badan oo ka tirsan kuwa Kenya ee qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta, balse dowladda kenya ayaa arrintaasi Beenissay.

Inkastoo Dowlada Kenya si rasmi ah ugu dhawaaqin tirada rasmiga ee kaga dhintay weerarkaasi ayaa hada ururka Al-shabaab waxay sheegteen iney dileen in ka badan100-askari oo Kenya ah.

Garoonka diyaaradaha ee Wilson ee magaalada Nairobi ayaa waxaa waxaa gaartay gaaray diyaaradii siday dhaawac ka tirsan askartii Kenya ee weerarkaasi ku soo dhaawacantay.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda kenya oo ay ka mid tahay wasiirka difaaca Kenya haweeneyda lagu magacaabo Rachael Omamo ayaa ku sugan garoonkaasi si ay u soo dhaweeyaan askarta dhaawaca ah.

Rachael Omamo, wasiirka gaashaandhigga Kenya ayaa sheegtay in dowladda marka hore ay la xiriiri doonto qoysaska askarta weerarkaasi ku dhimatay.

Waxa ay intaasi ku dartay in ciidamada Kenya ay wali dagaal kula jiraan dagaalyahanada Al-Shabaab si ay uga soo badbaadiyaan ciidamada ay nolasha ku qabteen haddii ayba jiraan.

Kenya ayaa ku adkeysatay in asyan ciidankeeda kala soo bixi doonin Soomaaliya tan iyo inta laga xoreynayo Al-Shabaab gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay nolasha ku hayso tiro ka tirsan askarta Kenya, kuwaasi oo la qabtay kaddib mArkii sida ay sheegeen ciidamo ka tirsan guuto ay ugu magac dareen guutada Saalax Nabhaan ay saldhigga Kenya weerareen.

Idale News Online, Nairobi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here