Askari Kenyaan ah oo lagu dilay Xerada Xagar-Dheer

0
345

Mandhere(INO)-Xaalada Xerada Xagar-Dheer oo ka tirsan Xeryaha Dhadhaab ku yaala ayaa lagu soo warrmayaa in ay saakay degan tahay, kadib markii ay xalay oo dhan kacsaneed.

askar-kenyan_3

Xeradaas waxaa xalay ay koox hubeysneed ku dileen askari Police ahaa mid kalena waa ay ku dhaawaceen.

Markii ay dhacdadaasi dhacday ayaa ciidamo fara badan waxaa lagu soo daadiyay xerada, waxa ayna ka qabqabteen halkaas Soomaali badan oo ay ciidamadu xireen.

Ragii falka geestay ayaa la sheegay in ay ka baxsadeen goobta wax ka geesteen, oo lagu guuleysan in lasoo qabto.

Xalay oo dhan xaalada Xagar Dheer aad ayay u kacsaneed, waxaana dadka Qaxootiga ku ah halkaas soo wajahay qalqal.

Saraakiil u hadashay Kenya ayaa sheegay in ay u maleynayaan in ay soo warareen xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Dadkii loo qabqabtay dilka iyo dhaawaca xalay loogu geestay Xagar-Dheer askar ka tirsan Police-ka Kenya ayaa wali xiran, waxaana walaaca ugu badan ee ay ehelada dadka xiran qabaan ay tahay in dadka laga xirtay ayan heli doonin cadaalad.

Dhawaan ayay ahayd markii markii 28 dad reer Kenyan ahaa ay Al-Shabaab ku laaysay meel duleedka ka ah Magaalada Mandheera oo ay hada Kenya maamusho.

Dhibaatadaas, Kenya aad ayay uga carootay, waxaana ku qalqalay dad u badan Kenyanka ku nool Gobolka Soomaalida ee Waqooyi Bari Kenya, waliba gaar ahaan magaalada Mandheera, halkaasoo la geeyay ciidamo Militari u badan, si ay u sugaan amaanka Kenyanka.

Idale News Online, Mandheera