skarigii hore ee lagu eedeeyay inuu isku dayay taageero siinta Ururka Al-shabaabka Soomaaliya,a dib markii uu ka tagay Ciidankii uu ka tirsanaa ayaa lagu cadaadinayaa inuu Qirto xiriiika uu la lahaa Kiiska lagu soo eedeeyay,sida Maxkamadii xukumeysay ducumentiyo ay soo bandhigtay muujinayeen.
Craig Baxam ayaa lagu xiray dalka Kenya dhamaadkii sanadkii 2011-kii,waxaana dacwad oogayaasha sheegeen in Ninkaan ku soo wajahnaa Soomaaliya si ugu biro Al-shabaab.
Baxam ayaa markii horeba lagu xukumay isku day uu sameeyay kaasi oo ku aadanaa in Taageero Adameed uu siiyay Ururka Al-shabaab,waxaana Maxkamadeynta Baxam dib loo dhigay ilaa isniinta,laakiin todobadkii aynu soo dhaafnay dacwad oogayaasha ayaa waxay ku guuldareysteen inay Keenaan Ducumenti dhameystiran oo Shaqsigani ku riixaya inuu Al-shabaab xiriir la lahaa.
Gudigii Baaritaanka ku hayay Kiiska Baxam ayaa sheegay inay ku cadaadinayaan in Baxam uu taageero siiyay Ururla Al-shabaab,waxaana hoosta ka xariiqeen in Computerkiisa ay ku jiraan waxyaabo muujinaya inuu ku luglahaa Kiiska lagu eedeynayo.
Craig Baxam ayaa ahaa askari hore oo Mareynkan ah,wuxuuna Askarta Mareynkanka ka mid ahaa laga soo bilaabo 2007 ilaa iyo 2011,isagoona qibrad Sirdoon lahaa,wuxuuna Islaamay ka hor inta uusan ka bixin Askarinimada Mareynkanka.
Mar Wareysi uu ku dhiibay wuxuu ku sheegay inay inay Qorsheynayo inuu ku biro Al-shabaabka Soomaaliya
Idale News Online