Askar loo Heysto Dilka Guddoomiye ku Xigeenkii Degmada Ee Gobolka Gedo

0
227

Buurdhuubo (INO) – Maamulka Buurdhuubo ayaa sheegay in la Hayo Askar la Tuhunsanyahay in ay ka Dambeeyeen Dilka Guddoomiye ku xigeenkii Degmadaas.

askari

Guddoomiye ku xigeenka ayaa la Dilay Maqribnimadii Shalay, Xilli uu Gaarigiisu si Xowli ah ku Marayay Buundada Magaalada oo ay Ciidamada Dowladdu aad u Ilaaliyaan, Markii hore ayaa la sheegay in uu Gudaha Magaalada Gaarigiisu u Gudbay, Kedibna uu Gaarigiisu Magaalada uga soo Laabtay si Xowli ah, taasoo Dhalisay in Ciidamadu ka shakiyaan Rasaasna lagu Furo, kedibna uu Halkaas ku dhinto.

Taliye ku Xigeenka Amniga Buurdhuubo, Xasan Isxaaq Mursal ayaa Sheegay in Hadda la hayo ilaa 6 qof oo la Tuhunsanyahay in ay ka Dambeeyeen Dilka Guddoomiye ku xigeenka, waxaa la sheegay in ay isku Maandhaafeen Ciidamadii Xilligaas Ilaalka hayay Askarta in uu Gaarigiisa Joojiyo Xilli uu Xawaare sare uga Gudbay Markii hore, Markii Dambena Rasaas lagu Furay uu ku Geeriyooday.

Taliska ayuu sheegay in ay kala Saari doonaan Nimanka hadda la hayo sidaana looga soo saari doono, kan dilka Geystay, wallow sida uu sheegay ay Suura gal tahay in Rasaasta ay Ciidamadu.

Idale News Online, Gedo.