Arsenal ayaa 3-1 kaga badisay kooxda Chivas de Guadalajara kulan saaxiibtinimo ay kula ciyaareen California, kaasoo qeyb ka ahaa kulamada diyaargarowga xili ciyaareedka cusub. Ka dib markii ay guul soo daahday ka gaareen MLS All-Stars arbacadii, Arsenal ayaa sii wadata safarkeeda guulaha ee Maraykanka.
Saxiixa cusu ee Kooxda Gunners Granit Xhaka ayaa ku soo bilowday markii ugu horeysay kooxda ka dhisan Premier League, ciyaaryahan ayaa soo galay qeybtii danbe ee ciyaartii Gunners guusha ka gaareen xidigaha horyaalka mareekanka.
Cazorla, Bellerin iyo Monreal ayaa dhamaan ku soo bilowday kulankan,halka Rob Holding uu difaaca kula lamaansanaa Callum Chambers, iyadoo Theo Walcott u hormuudka ka ahaa weerarka.
daafaca cusub ee Rob Holding hogaanka u dhiibay Arsenal daqiiqadii 34-aad ee ciyaarta markii uu Santi Cazorla soo tuuray laad xor ah, qeybtii koowaad waxay ku soo idlaatay 1-0 oo ay hogaanka ku hayso Gunners.
Isku soo noqoshadii qeybtii labaad Arsenal waxa ay sarre u qaaday dadaalkeeda, Alex Oxlade-Chamberlain oo booskiisa joogtada dadaal ugu jira ayaa gool cajiib ah hogaanka ugu sii dheereeyay shan daqiiqo markii ay socotay qeybtii labaad.
Chuba Akpom oo bedel ku soo galaykulankii MLS All-Star ayaa ka dhigay ciyaarta 3-0 daqiiqadii 56aad, kaasoo kulankii hore koxdiisa u horseeday guul.
Kooxda reer Mexico ayaa heshay rigoore iyadoo ay 16 daqiiqo ka harsan tahay ciyaarta waxaan goo u badalay Angel Zaldivar, ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay Arsenal 3-1 Chivas.