Arrinta Xassan Dahir Aweys oo Waji Cusub yeelatay iyo Sir u qarsaneyd muddo oo laga helay. (Waa maxay sirtaasi)

0
236
 gghhg

Xassan Dahir Aweys oo iminka ku xiran Xarunta Hay’adda Nabad sugida Qaranka Somalia, ayaa waxaa la sheegayaa inuu la soo baxay wajiyo Cusub oo ka duwan Wajiyadii hore.

Xassan Dahir Aweys oo ay la joogeen Odayaal iyo Saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka ayaa waxaa uu Xassan Dahir mar qura sheegay in go’aankiisu yahay inuu sii wado Dagaalka uu kala jiro Xukuumadda Somalia iyo AMISOM.

Xassan Dahir, ayaa waxaa laga haaya inuusan ku sugnaan doonin dalka dibadiisa, balse haddii dalka laga safriyo uu dib ugu soo laaban doono Magaalladda Muqdisho isla markaana sii wadi doono Dagaalka.

Haddalka Wadaadka Xagjirka, ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Hadii la i masaafuriyo oo dal kale la ii dhoofiyo waan ka soo laaban doonaa waxaana balan ah inaan la dagaalami doono ciidamada AMISOM ee gudaha Somalia ku sugan iyo Ururka Al Shabaab oo Shareecada Islaamka ka been sheegay ” Ayuu yiri Xassan Dahir.

Hadalkaani kasoo yeeray Xassan Dahir, ayaa waxaa ka carooday Nabadoonada Beesha Habar Gidir oo iyagu waday waan-waan lagu doonaayo in lagu sii deeyo, hayeeshee waxa uu hadalkaasi dib u dhac ku sameyn doonaa go’aankii ahaa in Xukuumadda Somalia ay sii deyneyso Xassan Dahir haddii uu cadeeyo inuu ka baxay Alshabaab.

Ma cadda sida ay Xukuumadu ka yeeli doonto Wadaadka Xagjirka ah, wallow warar hoose ay sheegayaan in Xukuumadda ay Xassan Dahir arrintiisa ku wareejin doonto Dowladda Maraykanka.

Idale News Muqdisho