Argentina Oo Ka Aargudatay Chile Iyagoo Ku Garaacay Santiago Kulan Ka Tirsan Isreebreebka Koobka Adduunka. (Daawo Goolasha)

0
434

Argentina, oo dhalisay kaliya labo gool afartii kulan ee ugu horeysay ee isreebreebka Koobka Adduunka ee wadamada South America, ayaa dhalisay labo gool 24kii daqiiqo ee ugu horeysay kulankii ay 2-1 kaga badiyeen saaka xulka Chile.

Argentina ayaa heshay sideed dhibcood shan kulan ay ciyaareen iyagoo guul xoogan ka gaaray Chile, kuwaasoo ku guuleystay sannadkii hore Copa America.

Argentina ayaa finalka ka gaartay Koobkii Adduunka ee 2014 laakiin waxa ay ahaayeen kuwa qaab ciyaareed liita soo bandhigayay kulamadii isreebreebka Koobka Adduunka ee Russia lagu qabanayo sannada 2018.

i

Felipe Gutierrez ayaa shabaqa u soo taabtay xulka Chile daqiiqadii 10aad laakiin Angel di Maria ayaa u barbareeyay Argentina daqiiqadii 29aad, halka Gabriel Mercado uu goolka guusha u dhaliyay shan daqiiqo ka dib.

Bilow xun oo isreebreebka ah ayay u aheyd tababaraha cusub ee Chile Juan Antonio Pizzi, kaasoo uu bedelay Jorge Sampaoli.

Isreebreebka Koobka Adduunka ee wadamada South America waxaa hogaamineysa Ecuador kuwaasoo shan kulan ay ciyaareen ka helay 13 dhibcood iyagoo saaka barbaro 2-2 la galay xulka Paraguay. Waxaa kaalinta labaad ku jirta xulka Uruguay oo leh 9 dhibcood afar kulan oo ay ciyaareen iyagoo caawa la ciyaaraya xulka Brazil oo kaalinta shanaad iyagoo leh 7 dhibcood. Paraguay iyo Argentina ayaa kaalimaha seddexaad iyo afaraad ku kala jira waxaana ay leeyihiin min sideed dhibcood. Halkaan laacibtv.net ka daawo goolasha kulanka Chile iyo Argentina.