Aqriso:Muxuu salka ku hayaa safarka Axmed Madoobe ee Addis Ababa ?

0
570

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan safarkiisa.

Wararka ayaa sheegaya in Axmed Madoobe sababaha uu u gaaray Addis Ababa ay tahay sidii dowladda Itoobiya ugala hadli lahaa arrinta ku aadan Ciidamada Barre Hiiraale ee dhowaan la dejiyay gudaha Kismaayo, kaasoo is-maandhaaf uu ka jiro qaabkii lagu howl gelin lahaa ciidamadaas, looguna biirin lahaa Ciidamada Jubbaland.

Axmed Madoobe ayaa markii hore ka biya diidanaa in Ciidamada Barre Hiiraale la soo geliyo gudaha Kismaayo, isagoo doonayay in hubka laga dhigo, hase ahaatee waa la isku maandhaafay.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ayaa sidoo kale si aad ah ugu kala aragti duwanaaday arrinta ciidamada Barre Hiiraale oo la dejiyay xero ay leeyihiin Ciidamada Itoobiya, waxaana Ciidamada Kenyanka ay dalbadeen in lagu soo wareejiyo.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Barre Hiiraale oo laga soo kaxeeyay deegaanka Goobweyn in tababar ay u fureen Ciidamada Itoobiya, waxaana socda qorshe ciidamadaas looga qeyb gelinayo duulaanka ku wajahan deegaanada Jubbooyinka.

Sidoo kale arrinta kale ee salka ku heysa safarka Axmed Madoobe ee Addis Ababa ayaa ah howl galka loogu magac daray wabiga Jubba, kaasoo qorshihiisa yahay in deegaanada Al-Shabaab kaga sugan yihiin Jubbooyinka laga saaro.

Dhinaca kale Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu tago magaalada Jig-jiga ee xarunta dowlad deegaanka Itoobiya, si uu xal ugu raadiyo xiisada ka taagan deegaano ku dhow dhow xuduuda oo dhowaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Liyuu Boolis iyo maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda Galmudug ku dagaalameen.

Axmed Madoobe ayaa lagu tiriyaa hogaamiyeyaasha Soomaalida ee aadka ugu dhow dowladda Itoobiya, maadaama dhismaha maamulka Jubbaland ay Itoobiya geed-fadhi u aheyd.

Idale News Online, Kismaayo