Aqriso: Wasaarada Arimaha Gudaha Dowlada KGS Oo Maanta Maamul Cusub U Magacowdey Degmada Buurhakaba

0
271

Baydhabo(INO)-  Wareegto ka Soo Baxdey Wasaarada Armaha gudaha iyo dowladaha Hoose Ee Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta maamul cusub u magacawday Degmada Buurhakaba ee gobolka Bay oo in muda ah is qa qabsi uu ku jiray.

Wasiirka wasaarada Arimaha gudaha iyo Dowladaha hoose  C/raxmaan Ibrahim Aden (Sate) ayaa Munaasabad maanta ka dhacday magaalada Baydhabo ku magacaabay maamul cusub oo ay yeelanayso Degmadaasi.

Munaasabada ayaa waxaa goob Joog ka aha Odoyaal waxgaradyo Haween, Siyaasiyiin iyo Marta sharaf kale.

C/raxmaan Ibrahim Aden (Sate), Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose,  ayaa sheegay in arintan Magacaabista ay ka dambaysay ka dib markii dadka Degmada Buurhkaba ay u sooo gudbiyeen cabasho dhanka maamulka ah kadibna Koonfur Galbeed Soomaaliya ay go’aan satay in la bedalo maamulkii hore lana magacaabo maamulka cusub.

  •  Gudoomiyaha Degmada Maxamed Cabdi Maxamed
  • Gudoomiyaha Ku xigeenka Axmed Maxamed Cali (Cali sharqaan)
  •  Xoghayaha Amniga Cusmaan Xaaji Mursal (Kaarabiin)
  • Xoghayaha Maaliyada Cabdi xuseen maxamed (Cabdi-gaas)
  •  Xoghayaha Arimaha Bulshada Abuukur Sheekh Yarow (Ukur)
  • Xoghayaha Dowlada hoose Cali Nuur Cali Xaaji

Ugu dambeyntii, Wareegtaddan Ka Soo Baxdey Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose  Ee Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu amrey Maamulka hadda Ka Jira Degmada Buurhakaba in wanaagsan u wareejiyo Maamulka.

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here