Aqriso War- Saxaafadeed: Beelaha Shanta Caleemood Oo Si Wadajir Ah U Taagyeerey Malaaqa Guuud Ee Beeshaas Malaaq Siidow Maadoow Muuse

0
1111

Muqdisho(INO)- Shir ballaran oo Maanta ay isugu yimaadeen Dhamaan Beelaha Shanta ceelemood ee Aw Digil ayaa lagu soo saarey War-murtiyeed waxayna si wada jir ah u taagyeereen Malaaq Guud ee Beeshaas  Malaaq Siidow Maadoow Muuse iyagoona soo dhaweeyey Go’aanadii ka soo baxay Shirka Madashada Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya oo Ka dhacey Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay.

Waxgaradka, Aqoonyahanada, Samadoonada iyo Culumu’aadiinka Ee Beesha Shanta Caleemmood ayaa waxay si adag u cambaarayeen Warar dhawaan lagu baahiyey Warbaahinta isla markaana waxay xuseen in Beeshu ay mideysan tahay ayna leedahay Hogaan dhab ah iyo Maamul Suuban.

Sidoo kale Beesha Shanta Caleemood ayaa waxay tilmaantey In mar weliba ay taagyeersan yihiin Geeda Socoda Nabadda Dalka Soomaaliya ayna ka qiib qaadan doonto Doorashada La filaayo  in Soomaaliya ay ka dhacdo Augest 2016.

Beesha ayaa waxay  Sheegdey in dhamaan Siyaasiyiinta daneynaysa inay ka mid noqdaan Baarlamanka Federalka Soomaaliya 2016 ay u furtan tahay isu soo sharaxida Xildhibaanimo Xubaha Beeshaas isla markaana ay dhici doonto Doorasho Xur iyo Xalaal ah taasoo qof wliba la rabo inay doortaan 50 qof, iyagoona  Sheegey in Malaaq uusan abood u lahay inuu xusho qofkii uu rabo.

Ugu dambeyntii, Ergooyinka dooranaya Musharaxiinta Daneynaysa Xildhibaanimada 2016 ayaa waxay ka kala imaanayaan Dhamaan Jifooyinka Beelaha Shanta Caleemood ee Aw Digil sida Beelaha kale ee Soomaaliya.

Halkan Ka Aqriso

shanta caleen

shanta caleen 1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay.