Aqriso War Murtiyeedka iyo Qodabdii Ay Ku Heshiyeen Maamulada Gal-mudug iyo Puntland

0
195

Dubia(INO)- War-murtiyeed Dowlad Goboleedyadda xubanaha ka ah Dowladda Faderaalka Soomaaliyeed, Puntland, Jubbaland, Koonfur-Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa kulan ku yeeshay Magaaladda Abu Dhabai ee Xaruunta Dowladda Isutagga Immaaraadka Carabta 30-10-2016 ilaa 1-11-2016.

Kullankan oo diiradda lagu saarayey sidii xal waara looga gaari lahaa dhibaatada iyo colaadaha soo noqnoqday ee magaalada Gaalkacyo ayaa noqday mid is afgarad ku soo dhamaaday wajigiisa koowaad.

Madaxda dawlad-gobaleedyadu waxay cadeeyeen in aan loo baahneyn in xiligan uu sii socdo dagaal sokeeye iyada oo lagu jiro xili xasaasi ah dalkana la rabo in ay si buuxda oo nabad galyo ah uga dhacdo doorashada aqalka hoose.

Haddaba, wadahadal iyo falanqeyn kadib, waxaa lagu heshiiyay qodobdan soo socda:

  1. In Xabad joojin labada dhinac si deg deg ah u dhaqan galiyaan.
  2. In la joojiyo dhamaan wixii abuuraya colaada taas oo la’isu mariyo hawadda.
  3. In ay dib uga soo laabtaan dhamaan dadka ka barokacay magaaladda Galkacyo.
  4. In labada dowlad goboleed soo magacaabaan guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeeya si xal waara looga gaari lahaa khilaafkan soo noqnoqday.
  5. In kulan deg deg ah oo lagu soo afjaro khilaaf-kan, La isugu yimaado Magaaladda Kismayo 20ka Bishan Noofeembar,2016.

Madaxda maamul goboleedyada waxay Dowladda Isutaga Immaaradka Carabta uga mahad celinayaan gogasha nobadeed ee ay noo fidiyeen iyo taagyeerada ay markasta lagarab taagan yihiin wallaalahooda Soomaaliyeed.

Halkan Kala Deg Warmurtiyeedka

war-murtiyeedka-pl-and-gm

Dhamaad