Muqdisho(INO)- Siyaasiyiinta gobollada W/qooyi [Soomaliland] ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay ka qeybgallayaan doorashada dadban ee dalka ka dhaceysa, kaddib markii ay dhowaan qaadaceen.
Shir jaraa’id oo ay wada-jir maanta ugu qabteen magaalada Muqdisho ayeey ku sheegeen in kulan labadii cisho ee la soo dhaafay ku lahaayeen magaalada Muqdisho, kaddib go’aan ku gaareen in laga qeyb-gallo doorashada dadban ee Soomaaliya, iyadoo la tixgalinayo hishiiskii madasha-wadda-tashiga.
Siyaasiyiinta, salaadiinta iyo waxgaradka gobollada W/qooyi ayaa ugu baaqay guddiga doorashooyinka in ay dedejiyaan doorashada labada aqal ee ka imaanaya Gobolada Waqooyi.
Dhowaan ayay aheyd markii war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Baarlamaanka lagu sheegay in xal laga gaaray cabashadii ka timid Beelaha Dirta Waqooyi
Akhriso war-saxaafadeedka ay soo saareen :