Aqriso qaabka ay Beelaha u kala qaybsadeen xildhibaanada Maamulka Jubba Ee gobollada Jubada Dhexe

0
330

Kismaayo(INO)-Odayaasha dhaqanka ee beelaha dega gobolka Jubada Dhexe ayaa soo gabagabeeyay qeybsigii kuraasta baarlamaanka ee gobolka Jubbada dhexe.

Waxaa sidoo kale la guda galay qeybsiga kuraasta gobolka Gedo iyadoo la qeybsaday laba ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo.

Sida uu dhigayo Dastuurka Jubaland, gobolka Jubada Dhexe waxaa baarlamaanka Jubaland kasoo galaysa 16 xildhibaan oo ku salaysan afarta degmo ee uu gobolka ka kooban yahay.

Shan beelood ayaa qeybsaday kuraastii gobolka Jubada dhexe kuwaas oo kala ah Absame, Digil iyo Mirifle, Ajuuraan, Sheekhaal iyo Jareer Weyne.

Kuraasta xildhibaanada ayaa loo qaybsaday sidan soo socota:-

Gobolka Jubada dhexe

Bu’aale:

Absame 2 xildhibaan

Ajuuraan 1 xildhibaan

Jareerweyne 1 xildhibaan

Saakow

Digil iyo Mirifle 3 xildhibaan

Absame 1 xildhibaan

Salagle

Absame 3 xildhibaan

Digil iyo mirifle 1 xildhibaan

Jilib

Absame 1 xildhibaan

Tunni/Digil iyo Mirifle 1 xildhibaan

Sheekhaal 1 xildhibaan

Jareer Weyne 1 xildhibaan

Gobolka Gedo

Sidii aan horay idiinku sheegnay gobolka Gedo waxaa laga gaaray 2 degmo oo kaliya oo kala ah Garbahaarey iyo Baledxaawo iyadoo degmooyinka dhiman bari la guda geli doono haddii Alle idmo.

Garbahaarey

Sade 3 xildhibaan

Digil iyo Mirifle 1 xildhibaan

 Baledxaawo

Sade 4 xildhibaan

Qaybsiga kuraasta Gobolka Jubada Hoose ayaa loo dambaysiiyay waxaana la guda geli doonaa marka laga faaruqo gobolka Gedo.

Idale News Online  ayaa idiin soo gudbin doonta dhammaan xildhibaanada marka lasoo dhameystiro Insha Allah.

Idale News Online, Xafiiska Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here