Muqdisho(INO)- Somalia wey degi lahayd hadii kuwa ku dagaalamaya ay ogaan lahaayeen in wadankeena qeyraad aan caadi ahayn uu dhex ceegaaago, waxaana daraasad la sameeyey lagu ogaaday in Somalia ay ka kaaftoomi lahayd hadii nabad yar uun la helo.
Shirkadda Soma Oil And Gas ee dalka Britain ayaa maanta dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku wareejisay xog ay ka ururisay qeybo ka mid ah Soomaaliya oo ku saabsan kheyraadka dalka ku jira.
Munaasabd xogtaas lagu wareejinayo ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaraadda Batroolka iyo macdanta Soomaaliya oo maanta iyana xariga laga jaray.
Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Maxamed Mukhtaar Ibraahim ayaa xogtan shirkadda Soma Oil And Gas ku macneeyey mid horseedi karta in Soomaaliya ay la soo baxdo kheyraadkeeda, kana kaaftoonto ku tiirsanaanta deeq bixiyayaasha caalamka.
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ka hadlay xogtan cusub ayaa sheegay inay tahay mid Soomaaliya ku hogaamin doonto horumar.
Xogta ay soo gudbisay shirkadda Soma Oil And Gas, ayaa ra’iisul wasaare Cumar waxa uu sheegay in loo gudbin doono caalamka, lana filayo in Soomaaliya ay lasoo baxdo kheyraadkeeda sanadaha dhow.
Sirkadda Soma Oil And Gas ayaa sheegtay inay 41 milyan oo dollar ku qarash gareysay daraasad lagu sameeyey biyaha xeebaha Soomaaliya, ayada oo loo kuur galay 120 km oo isku wareeg ah.
Idale News Online, Muqdisho