Aqriso: Magacyada Musharaxiinta Guddoonka Aqalka Sare

0
193

Muqdisho(INO)- Magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta KMG ah ee Aqalka Sare waxaa ka dhaceysa Doorashada Guddoonka Aqalka Sare, sida horeyba loogu balansanaa.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa saakay lagu wadaa in ay ku xaadiraan xarunta ay ka dhaceyso Doorashada, maadaama ay codeynayaan.

Guddoomiyaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Mudane Dhega-juun ayaa sheegay maanta in ay dhaceyso Doorashada Guddoonka Aqalka Sare aadna ay ugu diyaar garoobeen.

16 Musharax ayaa u taagan qabashada Xilka Guddoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya 7 ka mid ah waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad, halka 2 ka mid ah ay u tartamayaan Xilka Guddoomiyaha Aqalka Sare, 7 kalena waxa ay u tartamayaan Xilka Guddoomiye Ku Xigeenka labaad.

Labada Musharax ee u taagan Guddoonka Aqalka Sare

  1. Cabdi Xaashi C/llaahi, ildhibaan hore
  2. Mustafe Maxamed Qodax,  xog-hayihii hore ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Somaliland

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 1-aad

  1. Xasan Faarax Xujaale.
  2. Axmed Xaashi Maxamuud
  3. Cabdiwaaxid Cilmi cumar.
  4. Abshir Maxamed Maxamuud.
  5. Cabdi Axmed Dhuxulow.
  6. Maxamuud Axmed Maxamuud.
  7. Cabdirisaaq Cusmaan Cali.

Musharaxiinta Guddoomiye ku xigeenka 2-aad

  1. Hodan Maxamuud Cusmaan.
  2. Osmaan Axmed Maxcow.
  3. Iftiin Xasan Baasto.
  4. Fartuun Cabdulqaadir Faarax.
  5. Sacdiyo Xasan Cusmaan
  6. Mowliid Xuseen Guuleed
  7. Cabdikaafi Macalin Xasan.